Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka oo UK lagu soo dhaweeyey
    March 16, 2026
    Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah
    March 16, 2026
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan
    March 16, 2026
    Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo
    March 16, 2026
    Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka
    March 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qormo Jawhar:-Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Qormo Jawhar:-Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye
Maqaallada

Qormo Jawhar:-Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye

By Agaasimaha SONNA
Last updated: June 8, 2021
5 Min Read
Share

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa maqaalkan uga hadlay xaaladda magaalada Jowhar katagaan xilligan isagoo qayb ka ahaa wefdi u hoggaaminayey ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan safar ku tagay magaalada.

Maqaalka ayaa u qornaa sidan:-Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye

Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah.

Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada:–

Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay tahay magaalooyinkii ugu horreeyey dhulka Soomaalida ee aan xeebaha ahayn ee magaalooba,Quruxda iyo hodantinimadeed waxay sanadkii 1905 soo jiidatay Amiirkii Reer Boqor ee Talyaaniga ahaa ee Abruzzi, Amiirkaas oo magaaladan si weyn u caashaqay ugu dambayntiina degey illaa uu ka geeryoonayey.

Jowhar waxay kaga hormartay magaalooyinkii kale ee dhiggeeda ama da’deeda ahaa Talyaaniga oo arkay muhiimaddeeda iyo nimcada Rabbi ku mannaystay, iyo dadkeeda oo ah dad tacab badan.

Abruzzi iyo asxaabtiisii ayaa sabab u ahaa maal-gelin badan oo Talyaanigu ku sameeyey Jowhar iyaga oo ka hirgeliyey tareenkii ugu horreeyey ee isku xidha Xamar iyo Jowhar, iyo sidoo kale casriyeyntii beeraha, horumaruntii jidadka iyo buundooyinka iyo goobaha adeegga bulshada. Sidaas ayay Jowhar uga mid noqotay magaaloyinkii ugu horreeyey ee dhulka Soomaalida ee Warshado yeesha.

Xoriyaddii kaddibna Jowhar waxay noqotay magaalo wax soo saar oo dhaqaale leh. Sidoo kale waxay caan ku noqotay qaybaha kala duwan ee sports ka oo mar kasta ay ahayd horyaal.

Jowhar marka laga tago in ay tahay magaalo istaraatiiji ah haddana waxay caan ku tahay wax-soo saarka Beeraha, xoolaha iyo warshedaha. Beri-samaadkii Jowhar oo caasimad u ahayd Gobolka Shabeelada Dhexe waxa hoos iman jirey Warshadaha ugu waaweyn dalka sida:
Warshaddii Sonkorta ee Isnai-piazza iyo qaybteedii kale ee Perfumes ka
Warshaddii Dharka ee Balcad
Warshaddii Hubka iyo Rasaasta Mahaday

Waa xilliga ay soo baxday ama Jidda ama Jowhar. Ama sidoo kale “ifkana Jowhar ka joog, aakhirana jannada ka joog”.

Sidoo kale Jowhar waxay caan ku tahay beeraha iyo dalagga ku baxa webiga Shabeele oo waraabiya dhul beereed badan. Khudradda Jowhar ayaa aad uga dhadhan ‘mac’ qudradda kale ee Dalka ka soo go’da, sababta ma aqaan! Dallagyada bariiska iyo qasabka sonkorta laga sameeyo ayay Jowhar caan ku ahaan jirtay.

Xoolaha hilibka macaan ee deexda uga yimaadda iyo caanaha daadka ah ee galbeedka webiga ka yimaadda iyo wax soo saarka kale ee faraha badan ayaa magaalada Jowhar ka dhigay halbowlayaasha quudiya dadweynaha Caasimadda Xamar ee malaayiinta kor u dhaafay.

Laakiin:

Haddii xilliyada qaar la odhan jirey;
Ku dekee haddaad Jowhar timi waa dan raaxaduye,hadda waxan indhahanaga ku soo aragnay xaalad u baahan gurmad degdeg ah, sidii aan ku baahinay wararkayagii hore illaa 12,000 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadii uu dhowaan sameeyey Webiga Shabeele. 27 tuulona wuu saameeyey, 40 kun oo hiktar oo dhul-beereed ahna wuu baabi’iyey, xoolaha uu waxyeelayna tiro laguma soo koobi karo, waxana go’an jidkii Balcad-Jowhar-Mahaday, ku dhowaad 60km ayaa biyo jiifaan.

Sida aan kor ku soo xusay; Hirshabelle waa maamul-goboleed deris la’ ah caasimadda, oo dhib iyo dheef wadaagba la’ ah, sidaas oo ay tahay dabaqadihii dhexe ee wax haystay iyo ganacsatadii tunka weynayd ee Caasimaddu weli uma gurman yaraankoodii.
Raage Ugaas wuxu yidhi; Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye

Shacabka Reer Jowhar ee 3-da usbuuc guryahoodii iyo beerahoodii ka maqan oo isdul buuxiyey degaamada iyo tuulooyinka dibadda ee weli fatahaaddu aanay gaadhin iyo dadweynaha faraha badan ee magaalada Jowhar dhexdeeda ku go’doonsan ee aan wax gaadiid ah oo raashin u wadaa aanay ku dhowaad hal bil u tegin runtii waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

W/Q Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka oo UK lagu soo dhaweeyey

London (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan…

March 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Waa kuma horjoogaha ajanabiga ah ee lagu dilay gobolka Bakool? (Warbixin)

Muqdisho,(SONNA):- Jabka Khawaarijta Al-shabaab lagu gaarsiinayo howlgallada wali ka soconaya Dalka ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo ciidanka xoogga Dalka…

Maqaallada
July 26, 2023

Khawaarijta oo isku aamini waayay gododkii ay ku dhuuman jireen

Muqdisho.(SONNA):- Waayo ayay ahaayeen horjoogayaasha kooxda khawaarijta Al-shabaab kuwa ku nool, nolol heer sare, guryo qasriyo ah oo aysan ku…

Maqaallada
January 29, 2023

MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan…

GudahaMaqaalladaWararka
August 23, 2025

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa ilaa $5 milyan oo doolar si loo helo macluumaad ku saabsan…

GudahaMaqaalladaWararka
July 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023