Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib shirkii wadatashiga Heer Federaal iyo Heer D/goboleed+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib shirkii wadatashiga Heer Federaal iyo Heer D/goboleed+Sawirro
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib shirkii wadatashiga Heer Federaal iyo Heer D/goboleed+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 21, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirweynaha Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii looga miro dhalin lahaa wadahadalladan horseeday Heshiiska Hannaanka Doorashada dalka.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey Dowla Goboleedka Galmudug bulsho iyo Madaxba sida ay u martigeliyeen Shirarka Dhuusamareeb ayaa ka aqbalay codsi ay soo gudbiyeen oo ku saabsan in magaca magaalada lagu mataaneeyo xusuusta shirarkan taariikhiga ah, sidaas darteed Madaxweynuhu waxa uu ku dhawaaqay in loo bixiyey magaalada magaca Samareeb, si loogu maamuuso Shirarkan lagu jaangooyey hannaanka doorashooyinka dalka.

โ€œMaadaama Doorashadu ay tahay mid heer Federaal ah heshiiska aan halka ku gaarnay waa mid aan u qaadnay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, annagoo ugu baaqayna walaalaha ka maqnaa Shirka in ay ku soo biiraan dhammeystirka wixii shaqo ah oo inoo dhiman.โ€

Dhankooda, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo bogaadiyey heshiiska Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ka warbixiyey dadaalkii mugga weynaa ee la geliyey sidii ay uga soo qeyb gali lahaayeen dhammaan Dowlad Goboleedyada, taas oo xoojinaysa isu-tanaasulka, is ogolaanshaha iyo ka shaqeynta danta guud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dul istaagay hannaanka loo maray heshiiska doorashooyinka dalka, caqabadaha ku xeernaa iyo dadaalka mugga weyn ee Madaxdu ay ku bixiyeen qorsheynta doorasho ka turjumaysa duruufaha dalka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii ambaqaado Heshiiska Dhuusamareeb 3, kaas oo ku yimid dadaal heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo mug weyn.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiska Shirku uu ku saleysan yahay aragti wadaag loo dhanyahay, Muwaadin kastana uu waajib ka saaran yahay qabsoomidda doorashadan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga weheliyey ayaa intaas kaddib waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirweynaha Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii looga miro dhalin lahaa wadahadalladan horseeday Heshiiska Hannaanka Doorashada dalka.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey Dowla Goboleedka Galmudug bulsho iyo Madaxba sida ay u martigeliyeen Shirarka Dhuusamareeb ayaa ka aqbalay codsi ay soo gudbiyeen oo ku saabsan in magaca magaalada lagu mataaneeyo xusuusta shirarkan taariikhiga ah, sidaas darteed Madaxweynuhu waxa uu ku dhawaaqay in loo bixiyey magaalada magaca Samareeb, si loogu maamuuso Shirarkan lagu jaangooyey hannaanka doorashooyinka dalka.

โ€œMaadaama Doorashadu ay tahay mid heer Federaal ah heshiiska aan halka ku gaarnay waa mid aan u qaadnay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, annagoo ugu baaqayna walaalaha ka maqnaa Shirka in ay ku soo biiraan dhammeystirka wixii shaqo ah oo inoo dhiman.โ€

Dhankooda, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo bogaadiyey heshiiska Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ka warbixiyey dadaalkii mugga weynaa ee la geliyey sidii ay uga soo qeyb gali lahaayeen dhammaan Dowlad Goboleedyada, taas oo xoojinaysa isu-tanaasulka, is ogolaanshaha iyo ka shaqeynta danta guud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dul istaagay hannaanka loo maray heshiiska doorashooyinka dalka, caqabadaha ku xeernaa iyo dadaalka mugga weyn ee Madaxdu ay ku bixiyeen qorsheynta doorasho ka turjumaysa duruufaha dalka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii ambaqaado Heshiiska Dhuusamareeb 3, kaas oo ku yimid dadaal heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo mug weyn.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiska Shirku uu ku saleysan yahay aragti wadaag loo dhanyahay, Muwaadin kastana uu waajib ka saaran yahay qabsoomidda doorashadan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga weheliyey ayaa intaas kaddib waxa ay ku soo laabteen Caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

SODMA oo qabanaysa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) waxa ay qaban doontaa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya - ๐—–๐—›๐—™ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ5. Madashaan ayaa looga hadlaa…

GudahaWararka
August 1, 2025

MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan…

GudahaMaqaalladaWararka
August 23, 2025

Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya oo Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho isagoo noqonaya kii ugu horeeyay oo…

Wararka
January 5, 2020

‘Itoobiya meeshay wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah’ (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waayahaan waxaa dhex yaallay xurguf ka dhex dhalatay kadib markii Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland ay bishii…

GudahaMaqaallada
July 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023