Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah
    January 18, 2026
    Bannaabax lagu diidan tahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho
    January 18, 2026
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood
    January 18, 2026
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe
    January 18, 2026
    Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari
    January 18, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3
GanacsigaGudahaWararka

Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 18, 2020
2 Min Read
Share

Sonna- Dhuusamareeb.  Madaxweynaha Galmudug Mudane  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay muhiimadda furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareb3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan halkaasi.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen guddiga farsamada doorashada, iyada oo madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. ‘Sida aad wada ogsoontihiin waxaa illaa hadda nagala soo qayb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkaan. Madaxweynuha Galmudug waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan wali soo gaarin  madasha shirka, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaad ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, oo aad tixgelisaan oo  qadarisaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor raja ka muujiyey  shirka in ay ka soo baxdo natiija wanaagsan, Soomaaliduna ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Muqdisho,(SONNA):-  Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow,…

January 18, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo gaaray dalka Qatar

Dooxa (SONNA) :Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee…

GudahaWararka
March 17, 2023

Xaaska Horjoogaha kooxda Daacish oo xukun lagu riday

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun 8 sano oo xabsi Ciidan ah ku riday xaaska horjoogaha kooxda daacish Fartuun Cabdirashiid…

GudahaWararka
January 30, 2023

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawado  taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan ilbaxnimada…

GudahaMaqaallada
May 3, 2021

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Macllim Fiqi ayaa maanta muqdisho daahfuray kulanka 2-aad ee…

Wararka
May 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023