calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Maamulka Sh/hoose oo gargaar gaarsiiyay dadkii argagixisadu dhibaatada ugu gaysteen Qoryoolay

Maamulka Sh/hoose oo gargaar gaarsiiyay dadkii argagixisadu dhibaatada ugu gaysteen Qoryoolay
Maamulka Sh/hoose oo gargaar gaarsiiyay dadkii argagixisadu dhibaatada ugu gaysteen Qoryoolay — SONNA
Qoryoolay-(SONNA)-Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa tagay degmada Qoryooleey ee Gobolkaas, Qoryooleey Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa dad shacab ah oo magaaladaas dagan dhibaato ugu geystay, maleeshiyad ka tirsan Al Shabaab ayaa madaafiic ku tuuray magaaladda Qoryoolay,waxaana madaafiicdaas dhibaato ka soo gaartay dad shacab ah. Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ayaa Qoryooley u tagay si dadka dhibaatada soo gaartay gargaar loo gaarsiiyo.isgoona shacbaka uga tacsiyeeyay dhibatada qoysaka danta yar ka Soo garatay madaficdaasi. Wariyaha Warbaahinta Qaranka u qaabilsan Shabeelada hoose Maxamed Cali Cumar Jubba ayaa SONNA sheegay in gudomiyaha  gobalka Shabeelada hoose  Ibraahim Aadan Najax   uu balan qaaday in maamulka gobolka oo kaashanaya dowlad goboledka Koonfur galbeed ay dhisi doonaan guryihii ku dumay weeraradii arxandarada ahaa, islamarkaana ay si gaar ah uga warqabi donnaan carrurta ay dhaleen hoyooyinkii ku geeriyooday halkaasi. Gudomiye Najax ayaa intaas ku daray in maleeshiyaadka Shabaab laga cirib tiri donoo deeganada hoos yimaada dagmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelada hoose. Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay jab xooggan ugu gaysteen argagixisada dagmada Qoryoolay oo in muda ah dhibaato ku hayay shacbiga ku nool deegaanadaasi.
La wadaag