Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah
    January 18, 2026
    Bannaabax lagu diidan tahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho
    January 18, 2026
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood
    January 18, 2026
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe
    January 18, 2026
    Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari
    January 18, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo (Warbixin)
MaqaalladaWararka

Maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo (Warbixin)

By Kulane
Last updated: April 5, 2021
7 Min Read
Share
The functions of mass communication can either be manifest or latent.Post the Second World War, there was widespread interest in trying to understand the impact of mass media messages on society

Warbaahinta,waa muraayad laga  daawado  taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dal kasta uu ka gaaray dhinacyada waxbarashada,tiknalojiyadda iyo guud ahaan waxqabadka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda ilbaxnimada bulshada caalamka ee  mudada fog ku noolaa dunidaan.

Iyadooo laga duulayo muhiimadda Warbaahinta Soomaaliya, 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii oo ahayd markii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo Wargeys ku qoran farta Soomaaliga,waxaa loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya dhinacyada horumarka dadka iyo dalka.

Xuska munaasabaddaan waa mid sanadle ah oo lagu weyneeyo aasaaska warbaahinta Sooomaaliya,taas oo xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ahaa ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliya oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 19-aad.

Marxaladihii  Saxaafadda Soomaaliya.

1-  Xorriyadda ka hor 

Xilligaaan, waa bilow wanaagsan oo loo qaaday socodsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah saxaafadda,kadib kolkii ay kordhrrn dadka bartay luqadaha iyo qoraalada kale ee Laatiinka,taasina waxa ay sababtay in ay soo baxaan wargeysyo lagu gudbiyo fariimo xambaarsan naceybka gumeysiga.

Muddadii u dhaxaysay 1935-60-kii, waxaa jiray dhallinyaro aqoonyahanno ah oo isku xilsaaray soo saarista Wargaysyo ay ka mid yihiin Somali Journal, Al-Liwaa, Qarni Afriqiya, Al-Waxda,War Somali side,Corriere della Somalia,Al-Sariixa iyo kuwo kale.

Isla xilligaan  gobollada Woqooyi oo uu gacanta ku haayay Ingiriiska waxaa sanadkii 1943-dii  laga hirgaliyay Raadiyo Hargeysa,halka gobolada Konfureed sanadkii 1951-kii laga furay Raadiyo Muqdisho,waqtigaasi oo  gumeysiga Talyaaniga uu Maxmiyad ku haystay gobollada Koofureed.

2-Dawladdii Rayadka

In la madax banneeyo xoriyadda hadalka,waxay ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ay ku guulaysatay dowladdii Rayidka ee 1960-kii,waxayna arintaasi sababtay in ay kordhaan tirada wargeysyada ka soo baxa dalka, kuwaas oo ku qornaa luqadaha Carabiga, Ingriiska iyo Talyaaniga,waxayna kala ahaayeen Sowtu Soomaal,Somali News,Somali review ,Li Oriente ,La Tripuna ,Kifaax, Al-shacab,Al-Waxda, Al-Xaqiiqa iyo kuwo kale.

5-tii Janaayo 1964-tii waxaa dhidibada loo taagay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,taas oo si buuxda u noqotay isha waraka dalka iyo codka dowladda Soomaaliya.

3-Dowladdii Millitariga

Waxaa hubaal ah in sanadkii 1969-kii,uu ahaa bilowgii dib u dhaca saxaafadda Soomaaliya iyo niyadjabkii qorayaasha ka dib markii ciidamadii qabsaday dalka ay xireen xarumihii wargaysyada,isla markaana ay mamnuuceen xoriyadda hadalka,iyagoo doorbiday in labada Idaacadood ee Radiyo Hargeysa iyo Radiyo Muqdisho iyo wargeysyada dowladda sida Xiddigta Oktoobar iyo Najmatu Oktoobar, ay noqdaan kuwo loo adeegsado baahinta awaamiirta maamulkii Kacaanka

21-kii Janaayo Sanadkii 1973-di Waa markii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo wargayskii ugu horeeyay ee ku hadla Afka Hooyo kadib kolkii1972-dii lagu guulaystay hirgalintii iyo qaadashada qoraalka Farta Laatiinka,iyadoo la eegayo helitaanka qalabka loo adeegsado xuruufahaasi iyo dhinaca kale culeys dhaqaale oo saamixi waayey in la soo saaro aalado cusub oo xagga qoraalka ah,

Sanadkii 1980-kii waxaa dalka laga hirgaliyay Kulliyadda Saxaafadda ,taas oo soo saartay suxufiyiin badan oo aqoon u leh cilmiga saxaafadda,isla markaana kor u qaaday tayada warbaahinta dalka.

Sanadkii 1983-kii. Waa markii ugu horeysay ee Telefishin ama muuqaal baahiye uu leeyahay qaranka Soomaaliteed  uu si habsami leh uga shaqeeyay dalka,isla markaana laga daawaday warar iyo barnaamijyo tayaysan oo ay ku qanci karaan bulshada.

4-Xilligii Bur-burka iyo soo kabashada

 Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qaybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday Wargeysyo, Idaacado iyo Telefishinno madax bannan waana warbaahin ay taabagalinteeda iska kaashadeen,ganacsato aqoonyahanno isugu jiray dad wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ka soo noqday dibadda ,kuwaas oo doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Sodonkii sao ee u dambeeyay warbaahinta dunida  waxay ku tallaabsatay  horumar ballaaran oo qaybaha warbaahinta ah,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay  in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee  dhanka warbaahinta

Dhinaca kale,gudaha Dalka waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha  bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisaya iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeedinaayo hoggaamiyaasha dalka.

Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsado horumarka, mararka qaarna haddii si qaldan loo adeegsado waxay horseedaa burbur iyo barakac ,sidaa darteed  waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka dadaalada iyo geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi joogta ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa warfidiyeennada qaybaha warbaahinta dalka.

Waxaa haboon in aan la iloobin oo xasuus gaarah loo yeeshowarfidiyeennadii haldoorka  u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee  gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.

Xuska sanadguurada 48-aad ee ka soo wareegatay aasaaska mailinta warbaahinta Soomaliya aawadeed, Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan qeybaha warbaahinta,gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta meel kasta oo ay joogaan.

Wasiirka, ayaa ka waramay  doorka shaqaalaha Warfaafinta iyo kaalinta kaga aadan horumarka dalka,wuxuuna ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan waajibaadka ay u hayaan dadkooda iyo dalkooda.

Ugu dambeyntii,Mudane Dubbe,wuxuu u rajeeyay shaqaalaha warbaahinta qaranka iyo kuwa gaarka ah in sanadkan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Muqdisho,(SONNA):-  Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow,…

January 18, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay madaxda gargaarka ee Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u…

Gudaha
June 28, 2024

Akhriso:- Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadkan

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Afrika ee ka qeybgashey Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga…

GudahaWararka
February 22, 2023

wasiirka tamarta iyo kheyraadka Biyaha oo kormeeray xarunta wasaaradda oo dib u dhis ku socdoa

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Xil. Abdullahi Bidhan Warsame, ayaa maanta kormeeray shaqada dib-u-dhiska iyo casriyeynta ah ee ka…

GudahaWararka
November 20, 2025

Madaxweyne Laftagreen oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Sanad-guurada 60-aad ee asaaskooda

Baydhabo –(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan…

Wararka
April 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023