Muqdisho (SONNA)-Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hayโadda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.
Hayโadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hayโadaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hayโadda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Heyโadda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil.
Ilaahay Ha u naxariisto.
Hayโadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.