Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay Doorashooyinka K/Galbeed
    May 10, 2026
    ๐‘W ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š
    May 10, 2026
    Wararkii ugu dambeeyay codeynta Doorahsada K/Galbeed
    May 10, 2026
    Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka
    May 10, 2026
    Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka
    May 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Heshiiska DFS,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Heshiiska DFS,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir+Sawirro
GudahaWararka

Heshiiska DFS,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 21, 2020
5 Min Read
Share

Dhuusamareeb(SONNA) Wareegii sadexaad ee wadatashiga Madaxda Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ee horey loogu heshiiyey Shirkii Dhuusamareeb laba ayaa ka dhacay Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb muddadii u dhaxaysay 15-19 Ogoosto, 2020.

Waxaase xusid mudan in la sheego in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan shirka soo qayb galin taas oo Madaxa shirku aad uga xunyahiin.

Shirkan wadatashi waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shirka guddominayey iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay ka midka yihiin Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor oo shirka marti galiyey, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

 

Waxaa iyana shirka qayb ka ahaa Guddiga Farsamada oo kala mataleyey Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sida ku cad Warmurtiyeedkii Dhuusamareeb, Guddiga Farsamada waxaa loo idmadey in ay ka soo baaraandagaan qaababka doorasho ee ugu haboon ee suurtogal ka dhigi kara in doorasho wakhtigeedi ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay dalka ka qabsoonto 2020/21, kadibna taladooda u gudbiyaan Madaxda Qaranka si ay goโ€™aanka ku haboon uga qaataan.

 

Iyagoo ka duulaya waajibaadkooda shaqo, Guddigu waxay 8 Agoosto 2020 bilaabeen qorshe hawleedkoodii ku aadanaa xal u helida arrimaha loo idmadey. Wada tashi baahsan oo ay layeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Xisbiyada Siyaasadeed iyo Beesha Caalamka kaddib, Guddigu waxay wada tashi iyo falaanqeyn dheer kaddib Madaxda Qaranka u gudbiyeen saddex qaab doorasho oo ay kamid tahay mid ku salaysan Ergo Deegan doorasho: (Electoral constituency caucuses).

 

Madaxda qaranka waxay si qoto dheer oo taxadar ku jiro wadatashi uga yeesheen qaababkii doorasho ee ay Guddigu u soo gudbiyeen waxayna ugu danbayn madaxda qaranka ee shirka ka soo qayb gashey isku raaceen:

1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)
2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.
4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.
10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.
12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la goโ€™aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.
14. Madaxda shirka waxa ka goโ€™an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.
15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka
16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.
17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.

SAXIIXAYASHA HESHIISKA DHUUSAMAREEB
1. Madaxweynaha Jamuuhiriyada Federalka Soomaaliya
Mudane: Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo_______________________
2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Mudane: Ahmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor_______________________
3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Mudane: Cabdicasiis Xasan Maxamed-Laftagaren ________________
4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle
Mudane: Maxamed Cabdi Waare __________________________
5. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho
Mudane: Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ___________________

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay Doorashooyinka K/Galbeed

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Faahfaahin ka bixiyay doorsahada maanta ka…

May 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

Balcad(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan imtixaanka Dugsiyada sare ee…

GudahaWararka
June 25, 2024

Qarax geyatay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Dalka Ciraaq

Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay 20 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax uu manta ka dhacay bartamaha…

Caalamka
January 7, 2023

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo iska kaashanaya kobcinta ganacsiga iyo warshadaha labada dal

Aljeris (SONNA): Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay…

GudahaWararka
June 18, 2025

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo la kulmay madaxda hayโ€™adda USAID

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hayโ€™adda…

GudahaWararka
February 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023