Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal
GudahaSawirroSiyaasaddaWararkaWargayska

Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 2, 2020
9 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX)
Muqdisho, 1 October 2020

Mabaadiiโ€™da

1. Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan.

2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu goโ€™aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF

3. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu goโ€™aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland.

4. Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaan masโ€™uuliyiinta siyaasadda iyo hayโ€™adaha labada heer ee goโ€™aanada gaara.

5. Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumar ah, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka.

6. Muddo-xileedka Guddigu waxuu ku egyahay hirgalinta doorashada ee 2020/21.

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah ee 2020/2021

1. Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, daโ€™adiisuna ka yareyn 30 sano xilliga la magacaabayo.
2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, ku leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda
3. Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.
4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay.
5. Waa in uusan xil siyaasadeed ka hayn dalka
6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta leeyahay.
7. Waa inuu fahmi karaa, nidaamka doorashooyinka dadban ee 2020/21.
8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

Qaab-dhismeedka Guddiga:

1. Guddiga waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhexdooranayaan Guddomiye iyo Guddomiye Ku xigeen. Guddomiyaha iyo Ku xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad caadi ah ee xubnaha guud ee Guddiga (50%+1).
2. Shirkarka Guddigu wuxuu ku qabsoomayaa seddex meelood labo meelood ee tirade guud ee Guddiga.
3. Guddigu waxay goโ€™aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah (50%+1).

Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah.

1. Wadashaqeynta Guddiyada labada heer: Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waxay wadashayn iyo xiriir joogta ah la yeelanayaan Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal, si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashada uu noqdo mid mideysan isku-sina uga dhacdo dalka oo dhan.

2. Wacyigalinta Bulshada: Guddiga Maamulka Doorashadu waxay sameynayaan wacyigelin si dadwaynuhu u fahmaan nooca doorashada iyo sida ay ku dooran karaan Matalayaashooda Golaha Shacabka ama ergooyinka iyagoo qabanaya kulamo ama adeegsanaya Aaladaha warbaahinta.

3. Asteynta iyo diyaarinta Goobaha Codbixinta: Guddigu iyagoo ka taxadaraya xaaladaha amni, waxay si wadajira u diyaarinayaan xarumo codbixineed oo ergooyinka ku dooran karaan Murashaxiinta Xildhibanada Golaha Shacabka.

4. Diyaarinta iyo Hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada: Diyaarinta iyo hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada oo ay ka mid tahay qoridda shaqaalaha la shaqaynaya guddiga, isku dubaridka iyo hirgelinta hawlaha hannanka doorashada, isku xirka laamaha amniga

5. Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada: Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada, si loo xaqiijiyo in ergooyinka doorashadu ay ka kooban yihiin dhamaan qaybaha bulshada, iyadoo la xaqiijinayo 30% qoondada haweenka.

6. Xaqiijinta Liisaska Ergooyinka: Guddiga Maamulka doorashada wuxuu xaqiijinayaa in liisaska ergooyinka uu maray wada tashigii loo baahnaa, iyo in ay ku dhanyihiin jifooyinka kursigu ka dhexeeyo. Guddiga maamulku hadii uu xaqiijiyo in aan loo dhammayn liiska, waxaa uu dib u celinayaa liiska, iyagoo Guddiga Heer Federaal korjoogtayn doonaan hanaanka wadatashiga ee dib u sixida liiska ergada.

7. Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare: Guddigu waxay la wadaagayaan codsi qoraal ah Madaxweynayaasha DX-DF ka ah in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta si waafaqsan shuruudaha xubinimada Aqalka Sare. Guddigu waxay qabanayaan waraaqdaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare iyagoo ka hubinaya metelaada haweenka ee 30%.

8. Maaraynta diiwangelinta Musharaxiinta: Guddigu waxa ay maareynayaan diiwangelinta musharaxiinta iyo dib u eegista diiwangelinta musharaxiinta Golaha Shacabka iyadoo laga hubinayo in ay buuxiyeen shuruudaha musharaxnimada ee doorashada 2020/21.

9. Diiwan-gelinta ergooyinka: Guddigu waxaa uu diiwan-gelinaya ergooyinka, iyadoo ergay kasta la siinayo warqad aqoonsi si uu ugu gali karo xarunta codbixinta malinta codaynta.

10. Tababbarada Ergooyinka: Guddigu waxa uu diyaarinayaa, hirgelinaya tababarka iyo wacyigelinta xubnaha ergooyinka ee hannanka codeynta ee doorashada dadban ee 2020/21 ka hor inta aysan ka qaybgalin codeynta.

11. Hadal-Jeedinta Musharaxiinta: Guddigu waxuu fududeynayaa hadal jeedinta musharaxiinta Labada Aqal iyagoo mid kasta la siinayo 10 daqiiqo ka hor codeynta.

12. Maaraynta hannanka codeynta iyo tirinta codadka: Guddigu waxaa uu masuul ka yahay maaraynta habsami u socodka hannanka codeynta oo ay ka mid yihiin nidaamka codeynta, tirinta, isu geynta, xaqiijinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada codeynta isla goobta codbixinta marka ay xaqiijiyaan Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal.

13. Gudbinta Natiijada: Marka doorashada heer dowladaha xubnaha ka ah DF ay ka soo dhammaato, Guddigu waxa uu u gudbinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal liiska xubnaha ku guuleystay kuraasta goobaha, oo saxiixan si hor dhac ah.

14. GMDHDX waxaa uu hubinayaa Hirgalinta Qoondada haweenka 30% ee labada aqal ee baarlamaanka

Lifaaq 1. Shuruudaha ka mid noqoshada Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Golaha Shacabka

1. In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.
2. In daโ€™adiisu uusan ka yareyn 18 sano
3. In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo
4. In uu fahansan yahay masโ€™uuliyadda doorashada
5. In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna
6. In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.
7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada
8. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada

Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. Daโ€™diisu ka yarayn 25 sano
4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo goโ€™aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7. In uu haysto waraaqda danbi laโ€™aanta ee hayโ€™adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir oo looga hadlay sare u qaadida Dakhliga iyo Bilicda caasimada “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka…

GudahaWararka
May 6, 2021

Masar oo muwaadiniinteeda kala baxday gobolka Tigreega ee Itoobiya

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay kala soo baxday 9 qof oo ka mid ahaa muwaadiniinteeda kuna goโ€™doonsanaa…

Wararka
November 19, 2020

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixayay Miisaaniyadda sanadka 2024

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad uu…

GudahaWararka
December 25, 2023

Dad ku sumoobay caano oo lagu daaweynaayo cisbitaalka Qardho

Qardho.(SONNA)...Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in 8 ruux oo ka kooban laba qoys la…

Wararka
January 18, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023