calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo bilaabay in ay Gobolada dalka u kala diraan sahaydii gurmadka Abaaraha ee ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo bilaabay in ay Gobolada dalka u kala diraan sahaydii gurmadka Abaaraha ee ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta
Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo bilaabay in ay Gobolada dalka u kala diraan sahaydii gurmadka Abaaraha ee ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta — SONNA
Muqdisho(SONNA):-Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan gaarsiiyey diyaaradii ugu horreysay oo sida raashin deeq ah kaas oo dhowaan Dowaladda Imaaraadka carabtu ugu deeqday Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen. Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay maanta bilaabeen qeybinta deeqdan, iyagoo qorsheynaya in maalmaha soo socda ay taageero noocaan oo kale ah u kala diri doonaan magaalooyinka Xudur ee gobolka Bakool iyo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
La wadaag