Muqdisho (SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaasi oo dib u dhis casri ah lagu sameynayo, isla markaana la saarayo laami.
Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ay ugu jirto dib u habeynta iyo casriyeynta waddooyinka ka baxa caasimadda.
Ciidamada sida gaarka ha u tababaran ee Haramcad ayaa sugaya amniga waddada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.