calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Sawirro

Degmada Afgooye oo gargaar la gaarsiinayo

Degmada Afgooye oo gargaar la gaarsiinayo
Degmada Afgooye oo gargaar la gaarsiinayo — SONNA
Afgooye- (SONNA), Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa kulan magaalada Muqdisho kula qaatay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gobolka shabeellaha hoose. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Mudane, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka ay kala hadleen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ku nool degmada Afgooye iyo tulooyinka hoos yimaad oo ay saameysay fatahaada wabiga shabeelle. Guddoomiyaha ayaa shacabka degmada Afgooye ku bogaadiyay gurmadka ay isku fidiyeen, isagoo ugu baaqay iney sii wadaan. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed uga mahadceliyay xiriiro mira dhal ah oo uu la sameeyay hay’adaha Caalamiga ah iyo dowladda ,isagoo sheegay in Isbuucaan gudihiisa shacabka degmada Afgooye gargaar la gaarsiin doono. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaaa Wasiirro iyo wasiir ku xigeeno xubno ka ah guddiga gurmadka fatahaadaha dowlad goboleedka Koofur galbeed.
La wadaag