Gudaha
Ciidamada Xoogga Dalka oo in ka badan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Degaanka Gal-labashiir, ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka waxay kooxda argagixisada Al-Shabaab uga dileen 15-maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, waxaana laga dhaawacay in kabadan 20 maleeshiyaad ah
Ciidamada ayaa Hub iyo saanadkale ka furtay sida uu Idaacadda Ciidamada Qalabaka Sida u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa yuusuf Raage.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmahan howlgallo lagu tirib tirayo argagixisada Al-Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo la wareegay deegaanno horleh oo ay maleeshiyada Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.


La wadaag



