calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Baydhabo: Banaanbixi Cadaalada loogu raadinayay caruur dhawaan lagu dilay oo dib loo Dhigay

Muqdisho (SONNA)-Waxaa maanta dib u dhac ku yimid banaanbax balaaran oo todobaadkii hore Culimada Baydhabo ku baaqeen kaas oo lagu dalban lahaa in lasoo de dejiyo kiisaska labadii caruur oo baydhabo lagu diley. Qaar ka mid Culimada Magaalada Baydhabo iyo aabaha dhalay labada caruurta ee cadaalada loo raadinayo ayaa bulshada u sheegey in codsi ka yimid madaxweynaha koonfur galbeed dib loogu dhigey banaabaxa. Aabaha dhalay caruurta Aweys Cabdullaahi Ibraahin ayaa sheegey in madaxweynaha uu u sheegey in baarista kiisas lagu soo kordhinayo khubaro ku xeeldheer baaritanka waana mida keentey dib u dhaca. sidoo kale culimada ayaa iyagana bulshada ugu baaqey ajiibitaanka codsiga madaxweynaha koonfur galbeed maadaama uu sheegay in baaritaanku uu socdo. 14 maalin ka hor ayay aheyd markii Cabdulmudhcim Aweys iyo Aamino Aweys iyagoo meydkooda waran laga heley duleedka Magaalada Baydhabo hase ahaatee arrintaan ayaa yaab ku noqotay guud ahaan ummadda Soomaaliya iyo Koogur galbeed
La wadaag