Wararka
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ช๐๐ฒ ๐ข๐ง๐๐ฒ ๐๐จ๐๐๐ ๐ฎ๐ ๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ง ๐๐จ๐ ๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐
Wasiirka ayaa Maanta booqasho ku yimid Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah, waxaana Xarunta ku qaabilay Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA)

Muqdisho(SONNA)---Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Sadaad Maxamed Nuur Aliyow. ayaa Maanta booqasho ku yimid Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah, waxaana Xarunta ku qaabilay Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda diyaar-garowga dalka, qorshayaasha ka jawaabista khataraha musiibooyinka iyo saadaasha Super El Niรฑo iyo saameynta ka dhalan karta.
Wasiirka ayaa sidoo kale kormeeray howlaha ka socda Xarunta iyo heerka diyaar-garowga Hayโadda SoDMA ee la xiriira saameynta laga filayo Super El Niรฑo, isagoo ku boorriyey dhammaan Hayโadaha iyo dhinacyada ku howlan arrimaha musiibooyinka inay SoDMA uga dambeeyaan hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha musiibooyinka, si loo xoojiyo wada-shaqeynta loogana fogaado isbarbar-yaac.
Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Wasiirka uga warbixiyey dadaallada Hayโaddu waddo ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha soo socda.
Ugu dambeyn, Wasiir Cali Xoosh waxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay taxaddar iyo feejignaan, isagoo sheegay in la filayo daadad iyo fatahaado ka dhasha Super El Niรฑo, isla markaana ku baaqay in la garab istaago dadka nugul.








