Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐

Muqdisho(SONNA);-Raโiisul Wasaraada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaranka ee Dabagalka iyo Qiimeeynta Soomaaliya (SNMEC 2026), kaasi oo diiradda saaraya qiimeynta xoojinta isla-xisaabtanka cabbiridda waxqabadka dowladda iyo natiijooyinka laga gaaray qorshayaasha horumarinta dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeynta qorshayaasha Qaranka ay ku jiraan hirgalinta iyo natiijooyin la taaban karo ee ay u horseedaan bulshada, isaga oo xusay in dowladda looga baahan yahay in ay muujiso waxqabad cad oo lagu xaqiijin karo xog iyo caddeyn. Isaga oo ku booriyay kobaca dhaqaalaha dalka, adeegyada bulshada ee wax laga qabtay, kororka ardayda iyo macallimiinta la shaqaaleysiiyay, ballaarinta xarumaha caafimaadka iyo maalgashiga la hirgaliyay.
โWaxa aan samaynay dariiq cad oo la isku-xisaabiyo oo natiijo lagu soo saaro, kaasi oo Wasaaradaha lagu qiimeeyo, waxaan sii xoojin doonnaa nidaamkaas,Qorshaha Isbeddelka Qaranka, waa in aan xoogga saarno iyo sidii aan u cabiri lahayn qiimaha waxqabadka iyo halbeegga dawladdqโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta heyโadaha dowladda iyo nidaamka isla-xisaabtanka waxqabadka, wuxuunna tilmaamay in Xukuumaddu hirgalisay nidaamka isla-xisaabtanka iyo qiimeynta oo casri ah kaasi caddeynaya habka dabagalka iyo waajibaadka waxqabadka wasaaradaha iyo heyโadaha dowladdan laguna cabbirayo natiijada iyada oo la adeegsanayo nidaamyada la sameeyay ee lagu qiimaynayo heyโad walba.
Mudane Xamsa, ayaa bogaadiyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka hirgalinta nidaamka elektaroonigga ah ee e-NIMES, kaasi oo lagu dardargelinayo qiimeynta iyo kormeerka guud ahaan dalka, nidaamkan oo caddeynaya helitaanka xog sax ah oo la- isku halleyn karo, wuxuunna hayโadaha dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ugu baaqay in ay xogta waxqabadka ku soo gudbiyaan waqtigeeda, halka bahwadaagta horumarinta uu ku boorriyay inay taageeradooda waafajiyaan mudnaanta qaranka iyo nidaamyada dowladda.
Ugu dambayn: Raโiisul Wasaare Xamsa, waxa uu xusay in cddeynta iyo xogta lagu kalsoonaan karo ay saldhig u yihiin goโaan-qaadashada, qorshaynta miisaaniyadda iyo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan kobcinta aqoonta iyo khibradda dadka Soomaaliyeed, ka-qaybgalka jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo dhallinyarada xirfadlayaasha ah.








