Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ญ๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha dalka iyo cabsida laga qabo fatahaado culus oo ay sababaan Roobabka Dayrta oo la filayo in ay dhowaan ka bilowdaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddiga looga baahanyahay in ay bulshada Soomaaliyeed ka wacyigaliyaan Khataraha ka imaan kara fatahaadaha, kuwaas oo dhibaato kasoo gaarto dadka ku dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareenka ah, ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo isku dubarridka deeqaha iyo abaabulka bulshada.
Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan u diyaar-garowga ka jawaabista masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah iyo qorshaha lagu wacyigalinayo bulshada ku hareeraysan wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira in ay saameeyaan fatahaadaha Roobabka.
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa faray guddiga in ay xoogga saaraan isku duwidda howlaga gurmadka, abaabulka deeq-bixiyayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb-qaadanaya badbaadinta dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noq-noqda.














