Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ w๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ b๐๐ฅ๐ฅ๐๐ง๐ช๐๐๐๐๐ฒ a๐ซ๐๐๐ฒ k๐๐๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ h๐จ๐ซ๐ k๐ g๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ t๐๐ซ๐ญ๐๐ง ๐๐ฎ๐ซโ๐๐๐ง ๐จ๐จ c๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข ๐๐ก

Muqdisho-(SONNA)-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudaneย Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka galay Tartanka Qurโaanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar.
Tartanka oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aadย halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud uu galay kaalinta 3aad, waxaana ka qeybgalkooda fududeysay Hayโadda Qatar Charity.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada dadaalkooda iyo sida ay Qurโaanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qurโaanka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu dhiirri galineyso Barashada Qurโaanka Kariimka waxaana uu u ballan qaaday ardeyda in dowladdu siineyso Waxbarasho lacag laโaan ah sidii ay u siisay ardeydii kaalimaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ah.
โWaan idinku faaneynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda, in Tartan dowli ah aad ka gasheen kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad waa arrin wanaagsan oo sharaf iyo Karaamo u ah Bulshada Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada waxaan fari doonaa in Waxbarasho bilaash ah ay idin siisoโ.



