Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: ๐ข๐ฌ๐ฅ๐-๐ฑ๐ข๐ฌ๐๐๐๐ญ๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ช๐๐๐๐๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ ๐ญ๐ข๐ข๐ซ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ฎ ๐๐ก ๐ก๐ฎ๐๐ง๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐ง๐ข๐ฆ๐๐๐

Muqdisho,(SONNA):- Munaasabadda sanadlaha ah ee Banbaxa Golaha Wasiirrada, oo uu Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, kagala xisaabtamo Wasaaradaha iyo Hayโadaha Dowladda waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tagey, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyey in isla-xisaabtanka iyo qiimeynta waxqabadku ay yihiin tiir muhiim u ah hufnaanta dowladnimada, isaga oo Wasaaradaha iyo Hayโadaha ku boorriyey in ay sii laba-jibbaaraan dadaallada lagu gaarsiinayo shacabka adeegyo tayo leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku ammaanay horumarka iyo guulaha ay ku hoggaamisay dalka muddadii afarta sano ahayd ee ay shaqeyneysay.
Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtanka joogtada ah, qiimeynta waxqabadka hayโadaha dowladda iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo adeegyada iyo horumarka dalka.
โXukuumadda waxaa laga rabaa in cidda dadaalka iyo waxqabadka la timaadda lagu abaalmariyo, oo aysan isku mid noqon qofka dadaalay iyo kan gaabiyey. Maanta halka aad joogtaan waa meel aad uga sarreysa halkii shalay la joogay. Waad ku amaanantihiin dadaalka iyo waxqabadka aad muujiseenโ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha, ayaana bogaadiyey waxqabadka wanaagsan ee ay muujiyeen Wasaaradaha, isaga oo sidoo kale soo dhaweeyey adeegsiga nidaamyada danabaysan ee lagu maareynayo laguna qiimeynayo waxqabadka Dowladda. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo hannaanka casriga ah ee maamulka waxqabadka, si qorshayaasha Dowladda loogu beddelo natiijooyin la cabbiri karo oo wax-ku-ool u ah shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay horumarka laga gaaray hirgelinta Siyaasadda Maareynta Waxqabadka Mideysan ee Dowladda iyo Hannaanka Danabaysan ee Maareynta Waxqabadka Mideysan ee Dowladda (GIPMS), oo Xafiiska Raโiisul Wasaaruhu hirgeliyey si loo xoojiyo dabagalka, qiimeynta iyo isla-xisaabtanka waxqabadka hayโadaha Dowladda.































