Gudaha
๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐จ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ข ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฐ๐ข๐ญ๐ณ๐๐ซ๐ฅ๐๐ง๐

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday Hayโadda Iskaashiga Horumarinta Switzerland (SDC), oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday xarunta dhexe ee hayโaddaas.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda baniโaadannimo iyo khataraha musiibooyinka ee dalka, si gaar ah waxa diiradda loo saaray xaaladda abaarta, u-diyaargarowga saameynta El Niรฑo, digniinaha hore, tallaabooyinka la sii odorosi karo, iyo sidoo kale xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta baniโaadannimada.
Hayโadda Iskaashiga Horumarinta Switzerland (SDC) waxay ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada baniโaadannimada iyo xoojinta wada-shaqeynta.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la maalgeliyo nidaamyada qaran ee maaraynta musiibooyinka iyo in la xoojiyo awoodda hayโadaha dowladda, si dalka looga gudbiyo gurmadka ku saleysan falcelinta oo keliya, loona gudbo u-diyaargarow ku saleysan khataraha, tallaabooyinka hore iyo adkaysi waara.









