calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika — SONNA
Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji,  ayaa ka qeyb galay  kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika. Kulanka oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka)  ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamda Amisom, iyo sidokale hanaannkii  Ciidamada Xoogga Dalka  ay u Hoggaamin lahaayeen Howlgalada ka dhanka Argagixisadda. Wasiirka Gaashaandhigga XFS,  Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana ay ka go’antahay Xaqiijinta Amniga guud ee Dalka. Kulankan ayaa daba Socaday kulamo Midowga Africa iyo Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay ka yeelanayeen Xaalada Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo Soo Socday.
La wadaag