calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal — SONNA
Muqdisho.(SONNA)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alberto Vecchi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Labada Dal. Safiirka ayaa Wasiirka la wadaagay salaan iyo hambalyo ku aaddan xilkan cusub ee loo magacaabay, taas oo uu uga siday Dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo xusay saaxiibtinnimada dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa tilmaamay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dowladda Talyaaniga.. Intii uu kulanku socday, waxaa lagaga wada hadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada ammniga, dhaqaalaha, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhanka Waxbarashada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii ay dowladda Talyaanigu gacan uga gaysan lahayd tababarrada iyo tayaynta shaqaalaha dowladda, iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay fursad uga heli lahaayeen deeqaha Waxbarasho ee dowladda Talyaaniga.
La wadaag