Wararka
Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Loading SONNA…
Wararka

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay afar eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah anshaxa iyo akhlaaqda suubban ee Islaamka. Jamaal Xasan Faarax, Cabdirazaaq Maxamed Abuukar, Mumtaz Cukaasha Cali Nuur iyo Bishaaro Yuusuf Jaamac ayaa ku eedeysan in ay barahooda bulshada ku faafiyay muuqaallo muujinaya dhaqan-xumo, kuwaas oo si toos ah uga hor imanaya anshaxa suuban ee Islaamka iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Sida ku xusan qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dhammaan eedeysanayaashan ay haatan ku jiraan gacanta Booliska, ayna ku socdaan baaris ballaaran oo dhinacyo badan leh. Marka ay baaristu dhammaato ayaa dhallinyaradan loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Magacaabista ayaa ujeedadeedu tahay dardargelinta Hawlaha ahmiyadda u leh dhalinyarada

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka qeyb galay daah-furka shir heer sare ah oo lagu soo bandhigayay natiijooyinka Warbixinta Saboolnimada Carruurta Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya (SNBS). Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo daryeelka bulshada. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo shirka ka hadlay, ayaa xusay in saboolnimada carruurta ay ka mid tahay caqabadaha waaweyn ee saameeya mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xog sax ah oo lagu saleeyo qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada lagu yareynayo nuglaanta carruurta. Ugu danbeyn, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan daneeyayaasha si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nolosha carruurta Soomaaliyeed loona yareeyo saameynta saboolnimada iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee soo noqnoqda.