calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Saraakiil ka tirsan Booliska Amisom oo booqday xarunta doorashada Jubaland

Saraakiil ka tirsan Booliska Amisom oo booqday xarunta doorashada Jubaland
Saraakiil ka tirsan Booliska Amisom oo booqday xarunta doorashada Jubaland — SONNA
Muqdisho (SONNA)- Saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Nabad illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta booqday xarunta loo asteeyay in lagu qabto doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya, si ay u qiimeyn iyo indho-indheyn ugu sameeyaan. Saraakiisha ayaa warbixinno ka dhagaystay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleedka Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada Aqalka sare Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed. Kismaayo ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matali doona Jubaland, iyadoo maanta uu Kismaayo gaaray guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
La wadaag