calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga dalka
Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga dalka — SONNA

Bacaadweyne…SONNA….Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in galabta uu isku soo dhiibay horjooge ka tirsan Argaguxisada Al-Shabaab.

Taliyaha Ladagaallanka Argagixisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in horjoogahan uu isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan aagga deegaanka Bacaadweyne, kaas oo lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macallin. Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan horjoogayaal kale oo ka tirsan Argagixisada oo la soo xariiraya ciidanka, kuwaasi oo doonaya inay isaga soo tegaan dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay isaga carareen deegaanno badan oo ku yaala Koofurta Galmudug.
La wadaag