calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

News

Hey’adda SODMA iyo Wasaaradda Gar-gaarka K/ Galbeed oo Baydhabo ka wada gurmad bini'aadanimo

Hey’adda SODMA iyo Wasaaradda Gar-gaarka K/ Galbeed oo Baydhabo ka wada gurmad bini'aadanimo
Hey’adda SODMA iyo Wasaaradda Gar-gaarka K/ Galbeed oo Baydhabo ka wada gurmad bini'aadanimo — SONNA
Muqdisho(SONNA)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada Baydhabo ka wada qaybinta deeq gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka, kuwaas oo maanta la gaarsiiyay 300 oo qof oo iskugu jira naafo, barakacayaal dhawaan magaalada soo gaaray iyo dad jilicsan, kuwaas oo dhammaantood saameyn ka soo gaartay abaaraha ba’an ee dalka ka jira. Deeqdan ayaa loogu talagalay inay ka faa’iideystaan qoysaska nugul ee ku nool deegaanada hoostaga Baydhabo iyo tuulooyinka ku xeeran, kuwaas oo wajahaya cunto yari ka dhalatay abaarta ka jirta guud ahaan waddanka. Sidoo kale, hay’adda SoDMA waxay ka wadaa gobollada dalka howlaha gurmadka bani’aadannimo oo isugu jira cunto qaybin iyo biyo-dhaamin, si loo badbaadiyo dadka nugul ee ay saameeyeen abaarah  
La wadaag