Wararka
Dowladda Morooko oo joojisay qaar ka mid ah duullimaadyadii tegi jiray dalkeeda

Loading SONNA…
Wararka


Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin tirakoobyo wadata oo ku saabsan Imtixaanka Qaranka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026, xaaladda amniga, dhaqaale iyo bulsho ee dalka. Kulanka Golaha oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xoogga saaraya horumarka Qaranka. Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ahayd, iyada oo si gaar ah loogu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ah ee maamulkaasi, intii lagu jiray xilligii kala guurka iyo doorashada. Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Ciidamada Amniga dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda, iyagoo ka hortagay falal amni-darro oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka. Kulanka ayaa ugu dambeyntii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo magaciisu yahay Mudane Maxamed Xasan Nuur, ahna sharciyaqaan sare oo kusoo baxay habraac tartan furan ah kaddib markii xubin kale uu xilka banneeyay.
Jabuuti-(SONNA)-Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo heshiiska IGAD, Axdiga Midowga Afrika, iyo Axdiga Qaramada Midoobay. IGAD waxay ogaatay warar ku saabsan furitaanka safaarad ay sheegtay in Gobollada Waqooyi ay ku leeyihiin Quddus, waxayna mar kale adkaysay mowqifkeeda muddo dheer soo jiray ee ah in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya si buuxda loo ixtiraamo. Xoghayntu waxay muujineysaa walaac ay ka qabto tallaabo kasta ama hindise kasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna carrabka ku adkeyneysaa in falalka noocaas ah ay kordhin karaan xiisado, isla markaana dhaawici karaan nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka.

Kulanka waxaa looga hadlay danaha istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga