Wararka
Yemen : Dowladda Soomaaliya oo dib u soo celisay 161 muwaadin
Dowladda Soomaaliya,gaar ahaan hey’adda u qaabilsan qaxootiga iyo Barakaca ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaali ah oo sanado badan ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Dalka Yemen.
Muwaadiniintaan oo ka koobnaa 161 ruux,waxa ay isugu jireen dad da’a ah,carruur iyo haween ,iyadoo ay saameeyay dagaalada sokeeye ee ka socda gudaha Dalka Yemen .
Muwaadiniintaan oo laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Liibaan Cabdi Cigaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR.
, Illaa laba boqol oo ruux oo qaxooti Soomaali ah ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay dib u soo celiso Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hey’adda Qaxootiga ee UNHCR.


