Wararka
Xukuumadda oo soo dhoweysay jadwalka doorasho ee la soo saaray
Xukuumaddu waxa ay u aragtaa jadwalkan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.

Muqdisho (SONNA): Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ee ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xukuumaddu waxa ay u aragtaa jadwalkan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusinaysaa ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha kale in 18-kii bilood ee la soo dhaafay ay fidisay gogol wadatashi iyo wada-xaajood, si dhinacyada Soomaaliyeed ay isula meel dhigaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka.
Xukuumaddu waxa ay caddaynaysaa in wadatashiyada iyo wada-xaajoodyadaasi ay sii socon doonaan, ayna ku dadaalayso inay miro-dhal noqdaan oo horseedaan is-afgarad ballaaran.
Soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wada-xaajoodku waa labo dadaal oo is-dhammaystiraya, kana wada tarjumaya mas’uuliyadda ka saaran Xukuumadda ilaalinta xasilloonida dalka, xoojinta midnimada qaranka iyo xaqiijinta xaqa dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xukuumaddu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay si niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran leh uga qayb qaataan wadatashiga, kana wada shaqeeyaan doorashooyin nabdoon oo xoojiya kalsoonida shacabka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliyeed.


