Wararka
Xiriirka Kubadda Cagta oo ka qaybgalay Shirweynaha Kubadda Cagta ee Afrika
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu kamid yahay tababaraha xulka qaranka Yuusuf Cali Nuur ayaa ka qaybgalay Shirweynaha Istiraatiijiyadda Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), kaas oo ka socda dalka Cabo Verde.
Shirweynahan oo uu shir-guddoominayo Madaxweynaha CAF Dr. Patrice Motsepe, ayaa waxaa isugu yimid nadaxda 54 xiriir ee xubnaha ka ah CAF, madaxda ururrada gobollada, xubnaha Guddiga Fulinta CAF, tababarayaasha xulalka qaranka, khubaro caalami ah iyo Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino.
Shirweynahaasi ayaa diiradda lagu saarayaa mustaqbalka iyo horumarinta kubadda cagta Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo tayeynta ciyaartoyda iyo tababarayaasha, xoojinta hay’adaha kubadda cagta, hagaajinta maamulka, kordhinta maalgashiga iyo sidii xiriirrada kubadda cagta Afrika loogu abuuri lahaa hannaan horumarineed oo waara.
Sidoo kale, qodobada muhiimka ah ee shirka waxaa ka mid ah qiimeynta waxqabadkii xulalka Afrika ee Koobka Adduunka 2026 iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa qorshaha Afrika ee Koobka Adduunka 2030.
Ka qaybgalka wafdiga Soomaalida ayaa muujinaya doorka Soomaaliya ay ku leeyiiin kubadda cagta,gaar ahaan qorshayaasha iyo fursadaha lagu horumarinayo ciyaaraha Afrika.
Top of Form
