Wararka
Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug oo la dhaariyay

Dhuusamareeb(SONNA):-Waxaa caawa xarunta Golaha Wakiillada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ka dhacday munaasabadda dhaarinta xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug.
Munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, guddoonkii hore ee Golaha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhaarinta xildhibaannada kaddib, Golaha ayaa yeeshay kalfadhigiisii ugu horreeyay, waxaana guddoomiye ku-meel-gaar ah loo magacaabay Mudane Maxamed Sheekh Axmed (Sheekhul Balad), oo ah xubinta ugu da’da weyn Golaha Wakiillada Galmudug.
Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ayaa hoggaamin doona howlaha Golaha, isaga oo xilka sii hayn doona ilaa laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.



