Wararka
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Galmudug oo dooranaya Guddoonkooda

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta dooranaya Guddoonkooda, waxaana Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen u tartamaya afar musharax oo khudbadahooda ka hor-jeediyey Xildhibaanada.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Guddiga Doorashooyinka, Dowlad Goboleed Galmudug iyo marti sharaf kale ayaa ku sugan hoolka doorashada, waxaana dhowaan bilaabaneysa codeynta Xildhibaanada.
Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa qabanaya doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug.



La wadaag



