Wararka
Xildhibaan Cabdi Samad Maxamuud oo Shinaha uga qeybgalay Madasha wada-tashiga Xildhibaanada
Xildhibaan Cabdi Samad Maxamuud Xasan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-galay Madasha wada-tashiga Xildhibaanada oo lagu qabtay magaalada Tianjin ee dalka Shiinaha.
Madasha oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Saaxiibtinimada Dadka Shiinaha ee Dalalka Dibadda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca sharci-dejinta iyo horumarinta wada-shaqaynta baarlamaannada caalamka.
Intii ay madashu socotay, Xildhibaan Cabdi Samad Maxamuud Xasan, oo ku metelayey Soomaaliya, ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo qaabka ay u wada shaqeeyaan baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda.
Sidoo kale, Xildhibaanada ka qaybgalay madasha ayaa booqday goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Tianjin, kuwaas oo ay ka mid yihiin shirkadda Tellyes Scientific Inc, Xarunta Cilmi-baarista Sare ee Farshaxanka Dhaqanka Shiinaha ee Jaamacadda Tiangong, Waddada Dhaqanka Hore ee Tianjin iyo sidoo kale Beerta Jinyi.
Madashaan oo ay ka qaybgaleen xildhibaano iyo ergooyin ka kala socday 52-dal waxaa la isku weydaarsaday khibradaha sharci-dejinta, kobcinta xiriirka baarlamaannada iyo gaar ahaan xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale.
