Gudaha
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaran oo shir muhiim ah ku soo geba-gebeeyay Dalka Turkiga

Muqdisho,(SONNA):- Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya (XHGS) iyo Türkiye (TCA) ayaa magaalada Ankara ku soo gabagabeeyay wejiga saddexaad ee hirgelinta Heshiiska Iskaashiga labada hay’adood, kaas oo ku saabsanaa Baarista Nidaamyada Macluumaadka (Information System Audit).
Barnaamijka oo qabsoomay 17 ilaa 21 August 2026, isla-markaana ay taageertay Hay’adda Iskaashiga iyo Is-uduwidda Türkiye (TİKA), ayaa lagu falanqeeyay qiimeynta baariyada khataraha nidaamyada macluumaadka, habraacyada baarista, amniga macluumaadka, falanqaynta xogta, adeegsiga Garaadka Macmalka ah (AI) ee baarista, iyo isweydaarsiga khibradaha labada hay’adood.
Khubarada TCA ayaa wafdiga Xafiiska la wadaagay aqoon, habraacyo iyo khibrado wax-ku-ool ah oo la xiriira Baarista Nidaamyada Macluumaadka, iyada oo casharrada iyo doodaha la wadaagay lagu xoojiyay tusaalooyin laga soo keenay shaqooyinka baarista.
Barnaamijka waxa kale oo qeyb ka ahaa booqasho aqoon-kororsi ah oo wafdigu ku tagay xarunta dhexe ee HAVELSAN ee magaalada Ankara, halkaas oo loogu soo bandhigay shaqada iyo teknoolojiyadaha casriga ah ee ay xaruntu hirgelisay.
Iskaashiga waxa uu gacan ka geysanayaa isweydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, kobcinta awoodda xirfadeed ee Baarista Nidaamyada Macluumaadka, iyo xoojinta iskaashiga labada hay’adood.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu uga mahadcelinayaa TCA iyo TİKA taageerada, martigelinta iyo kaalinta ay ka qaateen hirgelinta barnaamijkan.








