Wararka
Wasiiru-dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo furay kulanka wadatashiga iyo ansixinta qabyo-qoraalka siyaasadda dekedaha

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa furay kulanka wadatashiga iyo ansixinta qabyo-qoraalka siyaasadda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo wadatashiga qabyo-qoraalka siyaasadda dekedaha iyo gaadiidka badda, si loo helo hannaan siyaasadeed oo hagaya horumarinta iyo maamulka waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda iyo maamulka Dekedda Muqdisho, kuwaas oo ka qayb qaatay wadatashiga ku saabsan siyaasadda iyo horumarinta adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee lagu horumarinayo siyaasadaha iyo nidaamyada hagaya waaxda badda, si loo tayeyno adeegyada dekedaha, loona xoojiyo doorka ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka.






