calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka kala guurka UNTMIS iyo sii wadidda isku duwidda iyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS — SONNA

Muqdisho(SONNA)--Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan la qaatay wefdi ka socday UNTMIS oo uu hoggaaminayay, Ku-simaha Madaxa Howlgalka UNTMIS Mudane Raisedon Zenenga waxaana sidoo kale ku weheliyay kulanka Madaxa Kooxda Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta Mudane Vikram Parekh.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka kala guurka UNTMIS iyo sii wadidda isku duwidda iyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wasiiru-dowluhu ayaa sheegay ka go’naanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in kala guurka uu noqdo mid Soomaaliya hoggaaminayso oo Soomaali leedahay, iyo in taageerada caalamiga ah ay sii ahaato mid waafaqsan mudnaanta iyo waajibaadka Qaranka Soomaaliyeed.

Labada dhinac waxay isla qaateen in la sii wado isku duwidda iyo wada shaqaynta dhow, si loo taageero xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta hey’adaha dowladda.

balcad1.jpgbalcad2.jpgbalcad3.jpg

La wadaag