Wararka
Wasiirka warfaafinta oo kormeeray Bandhigga SOM SOUK
Wasiirka ayaa bogaadiyey hawlaha ganacsiga ee Suuqan

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som Souk Expo oo ka socda degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee bandhigga, isagoo bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed ee madasha ku soo bandhigay hal-abuurkooda iyo wax-soosaarkooda. Wuxuu xusay muhiimadda ganacsigu u leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursadaha shaqo.
Intii uu booqashada ku jiray Wasiirka ayaa shacabka kala hadlay qiimaha nabadda maanta la heysto, isagoo tilmaamay in nabaddu saldhig u tahay ganacsiga, isu-socodka bulshada iyo horumarka dalka. Wuxuu adkeeyay in nabaddaas loo soo maray dadaal iyo naf-hurnimo badan ilaalinteeduna ay tahay mas’uuliyad wada saaran dowladda iyo shacabka.
Wasiirka ayaa bulshada ku dhiirrigeliyay inay xoojiyaan wadashaqeynta hay’adaha amniga, kana qeyb qaataan sugidda xasilloonida dalka, si loo sii ballaariyo fursadaha ganacsi iyo horumar.
Ugu dambeyn wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa u mahadceliyay qabanqaabiyeyaasha Som Souk Expo dadaalka ay geliyeen hirgelinta madashan muhiimka ah, isagoo si gaar ah u bogaadiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bandhigan.
Waxaa Wasiirka koormeerka ku wehliyay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Naasir Xasan Xuseen iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar.








