Wararka
Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay masuul ka tirsan Aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika
Afrika hadda waxa ay xoogga saaraysaa isku socodka ganacsiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay Mudane Wamkele Mene, Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Xoghayaha Guud ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay hirgelinta waajibaadka AfCFTA iyo kaalinta ay ka qaadanayso Midowga Afrika Ajandaha 2063.
Wasiirka wuxuu dhankiisa sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta qaab-dhismeedka AfCFTA, iyadoo Soomaaliya ay hore u ansixisay heshiiska, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya in si buuxda uga faa’iidaysato fursadaha AfCFTA ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee qaaradda Afrika.






