Wararka
Wasiirka arrimaha dibadda oo aqoonsiga ka guddoomay danjirayaal Soomaaliya loo soo magacaabay
Waxaa sanadihii dambe kordhay danjirayaasha imaanaya Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka guddoomay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar safiir oo cusub oo loo soo magacaabay Soomaaliya.
Safiirrada cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa kala ah Safiirka Jamhuuriyadda Mali Mudane Dr. Madou Diallo.
Mudane Danlami Ibrahim oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Marwo Aqsa Nawaz oo ka socota Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan iyo Mudane Aung Min oo ka socda Jamhuuriyadda Midowga Myanmar.
Gudbinta nuqullada waraaqaha aqoonsiga ayaa si rasmi ah u asteynaya bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee safiir kasta ee loo soo magacaabay Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ansixisay magacaabistooda.
Wasiir Cabdisalaan ayaa soo dhaweeyay safiirrada cusub, isaga oo sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga ay la leedahay dalalka ay safiirradu matalaan.







