Wararka
Wasiirka amniga oo qaabilay wakiilka cusub ee xafiiska UNDP Soomaaliya
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, gaar ahaan horumarinta adeegyada amniga iyo booliska, dardargelinta maalgelinta mashaariicda mudnaanta leh, iyo horumarinta xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha ka jira labada dhinac.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo taageerada hay’adaha amniga, si loo horumariyo adeegyada amniga, loo dhiso hay’ado amni oo awood leh, loona xaqiijiyo amni waara oo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed u horseeda xasillooni iyo horumar.





