Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo qado sharaf iyo soo dhaweyn u sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

SONNA-Muqdisho, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta hoygiisa qado sharaf iyo soo dhaweyn ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo muddo dheer dalka ka maqnaa.
Wasiirka ayaa Abwaanka uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee uu mudo dheer ku lahaa suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado lana qadariyo kaalinta hal-abuurka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ilaalinta iyo horumarinta hiddaha iyo dhaqanka dalka.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimada ay leedahay in aqoonyahannada iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibaddiisa ku nool ka qeyb qaataan dadaallada lagu horumarinayo, lagu ilaalinayo laguna kobcinayo suugaanta, fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasime-waaxeedyada, maareeyayaasha, la-taliyeyaasha Wasaaradda, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.
Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi ayaa munaasabadda lagu guddoonsiiyay hadiyado la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo qeyb ka ahayd maamuuska iyo soo dhaweynta loo sameeyay.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa hadiyado guddoonsiiyay Agaasimaha Guud, agaasime-waaxeedyada, maareeyayaasha, abwaanada, fanaaniinta qaranka iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, isagoo uga mahadceliyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qarankooda.
Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan qaranka, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, isla markaana ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran horumarinta adeegyada ay Wasaaraddu bulshada u hayso.
Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi ayaa uga mahadceliyay Wasiirka soo dhaweynta iyo maamuuska loo sameeyay, isagoo muujiyay farxadda uu ka qabo dib ugu soo laabashada dalkiisa iyo diyaar garowgiisa ku aadan inuu mar kale ka qeyb qaato horumarinta suugaanta, dhaqanka iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa Wasiirka uga mahadceliyay martiqaadka iyo maamuuska uu u sameeyay Abwaanka iyo madaxda Wasaaradda.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay hal-abuurka Soomaaliyeed, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta, horumarinta iyo gudbinta suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.



