calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 7-aad ee Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 7-aad ee Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 7-aad ee Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha — SONNA

Beijing (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Beijing ee dalka Shiinaha uga qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee Shirweynaha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha, oo ay ka qeyb galayaan Wasiirrada Warfaafinta, madaxda hay’adaha warbaahinta iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Shiinaha.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinaca warbaahinta, horumarinta iyo casriyeynta hay’adaha warbaahinta, adeegsiga tiknoolajiyadda cusub, kobcinta xirfadaha iyo is-weydaarsiga khibradaha.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa shirweynaha ka jeedin doono khudbad ku saabsan horumarka Warbaahinta gobolka, xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada warbaahinta, iyo horumarinta awoodda hay’adaha warbaahinta dalka.

Inta uu ku sugan yahay Beijing, Wasiirka ayaa sidoo kale kulammo la yeelanaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Shiinaha iyo qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Afrika ee ka qeyb galaya shirweynaha, si loo sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada warbaahinta.

La wadaag