Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo magacaabay Guddiga farsamo ee Diyaarinta Habraaca Mideysan ee Sumadaha Qaranka

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa magacaabay Guddiga farsamo ee Diyaarinta Habraaca Mideysan ee Sumadaha Qaranka (Somalia National Branding Guidelines).</p><p>Xubnaha guddiga oo isugu jira masuuliyiin, khuburro iyo farsamo yaqaano ka kala socda qaar ka mid ah Hay'adaha ayaa ka kooban 10 xubnood waxa ay kala yihiin:
1. Cabdirisaaq Cali Ibraahim — Guddoomiye
2. Cabdishakuur Cali Axmed — Guddoomiye Ku-xigeen
3. Maxamed Dubo — Isku-duwaha Hawlaha Guddiga
4. Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle Lataliye sharci.
5. Cabdinaasir Axmed Bashiir — Xubin.
6. Cabdiraxmaan Axmed Xuseen — Xubin.
7. Yuusuf Sheekh Ciise — Xubin.
8. Galad Jaamac Nuur —Xubin.
9. Cusmaan Xabiib Cusmaan—Xubin.
10. Ibraahim Maxamed Nuur—Xubin.
Guddigan farsamo oo qabanaya shaqo waqtiyaysan wuxuu diyaarin doonaa habraac lagu jaangooyo sumadaha, astaamaha, midabbada iyo qaabka qoraallada ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo ilaaliyo astaamaha Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa dhisay Xafiiska Sumadaha Qaranka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka shaqeynaya taageerada joogteynta iyo hirgalinta hindisahan lagu mideynayo astaamaha.



