Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay la-taliyaha Barnaamijka la-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert Flannery oo ah La-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika ee Dowladda Mareykanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, wacyigelinta bulshada, ka hortagga dacaayadaha iyo fikradaha xagjirka ah iyo isku-duwidda farriimaha dowladda ee la xiriira dadaallada ka dhanka ah argagixisada.
Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay diyaarinta qorshe warbaahineed oo mideysan, hirgelinta ololeyaal wacyigelin oo wax ku ool ah iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, si bulshada Soomaaliyeed loogu gudbiyo farriimo sax ah oo kor u qaadaya fahamka iyo ka-qaybgalka dadaallada ka dhanka ah Argagixisada.
Mr. Robert Flannery ayaa dhankiisa muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinaca warbaahinta iyo isgaarsiinta istaraatiijiga ah, si loo xoojiyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladda Mareykanka ee arrimaha la xiriira.
Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Istiraatiijiga ah ee Wasaaradda Cabdishakuur Cali Axmed iyo La taliyaha wasiirka Cabdicasiis Jeylaani.






















