Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay isku-duwaha xarunta ka hortagga wararka been-abuurka ee madaxtooyada Turkiga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanya la kulmay isku-duwaha xarunta ka-hortagga wararka marin-habaabinta iyo been abuurka ee Agaasinka warfaafinta madaxtooyada Jamhuriyadda Turkiga Deniz Demir, kaas oo howlo shaqo u joogo magaalada Muqdisho.
Wasiirka iyo Deniz Demir, ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca warfaafinta iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa khibradda iyo aqoonta Türkiga ee ka-hortagga iyo la-dagaallanka wararka marin-habaabinta iyo been-abuurka ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula soo hadal qaaday khataraha ay wararka been-abuurka iyo marin-habaabintu ku yeelan karaan bulshada, amniga iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi joogto ah oo lagu ilaalinayo xogta saxda ah iyo kalsoonida shacabka.
Kulanka waxaa wasiirka kala qeyb galay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Istiraatiijiga ah ee Wasaaradda Cabdishakuur Cali Axmed iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamedkaafi Sheekh Abuukar.








