calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha — SONNA

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum), ayaa ka hadlay muhiimadda horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo warbaahinta dowladda, lagu tayeynayo wariyaasha iyo lagu xoojinayo xeerarka muhiimka u ah warbaahinta.

“Dowladdu waxay qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo Warbaahinta Dowladda, tayeynta wariyaasha iyo ka shaqeynta xeerarka muhiimka u ah Warbaahinta,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay horumarro kala duwan ka gaartay ka qeybqaadashada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, xiritaanka baraha warbaahinta ee lagu faafin jiray wararka iyo dacaayadaha been abuurka ah, iyo mideynta farriimaha dowladda.

“Warfaafinta Dowladda waxa ay maanta qeyb ka tahay qorshaha isbeddelka qaranka, taas oo muujineysa in xiriirka dowladda iyo daweynuhu yahay qiime muhiim ah oo kamid ah dowlad-dhiska iyo horumarinta hay’adaha qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Madashan oo hal-ku-dhiggeedu yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan Casriga ah” ayaa looga hadlayaa xoojinta isku-duwidda isgaarsiinta, horumarinta isgaarsiinta dadweynaha iyo dhismaha kalsoonida bulshada.

La wadaag