Wararka
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka digay khatarta ka dhalan karta xadgudubyada ka dhanka ah madax bannaanida dalka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta xadgudubyada ka dhanka ah madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo muhiimadda taageerada Türkiye ee ilaalinta qaranimada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan ku saabsan “Waaga Cusub oo Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya: Kalsooni iyo Iskaashi Istiraatiiji ah” kaas oo ay soo qabanqaabisay Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Türkiye oo manta lagu qabtay Muqdisho.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa intii kulanku socday ka qeyb dood-wadaag heer sare ah oo looga hadlay xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, iskaashiga labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee Türkiye ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa doodda kusoo bandhigay khatarta ay marin-habaabinta, wararka been-abuurka ah iyo ololayaasha lagu khaldayo aragtida dadweynaha ku yeelan karaan xiriirka labada dal, isagoo adkeeyay muhiimadda Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta iyo iskaashiga hay’adaha warfaafinta ee Soomaaliya iyo Türkiye, si loo xoojiyo xogta saxda ah, kalsoonida bulshada iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.



