calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo casho sharaf u sameeyay wafdi ka socday Sacuudiga

Wasiirka Warfaafinta XFS oo casho sharaf u sameeyay wafdi ka socday Sacuudiga
Wasiirka Warfaafinta XFS oo casho sharaf u sameeyay wafdi ka socday Sacuudiga — SONNA

Xayeysiis

Muqdisho.SONNA…Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa casho sharaf ku maamuusay Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Boqortooyada Sacuudiga, Sareeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo maalmahan booqasho ku joogay caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan ee La-dagaallanka Fikirka Xagjirnimada iyo madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wasiirka ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda Soomaaliya iyo kulamadii ay la yeesheen madaxda dalka, kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee ka-hortagga xagjirnimada iyo la-dagaallanka fikradaha qalloocan ee Khawaarijta argagixisada ah ee khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dunida, gaar ahaan dalalka Islaamka.

La wadaag