Wararka
Wasiirka Warfaafinta XFS oo boogaadiyay xubnihii ka qeyb-qaatay Bandhiggii Dalxiiska Soomaaliyeed
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa u mahadceliyay qaar kamid ah maamulada Bangiyada,kuwa shirkadaha diyaaradaha iyo qeybta dalxiiska ee wasaaradda warfaafinta,kuwaas oo ka qeyb-qaatay Bandhigii Dalxiiska Soomaaliya ee lagu qabtay Muqdisho.
Wasiirka oo ka hadlay xaflad loo sameeyay bandhiggaasi ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ganacsatada iyo doorka ay ku leeyihiin fulinta adeegyada bulshada ee lagama maarmaanka u ah horumarka dalka.
Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa xusay in dowladnimada aysan guuleysan Karin haddii aan la helin iskaashi dhexmara dowladda iyo hey’adaha fulinta ee qaabilsan adeegga dadweynaha,sida maamulada bangiyada iyo kuwa shirkadaha diyaaradaha ee dalka.
“Hey’adaha ganacsatada waa qeyb kamid ah dowladda,sidaa daraadeed waxaan ku baaqayaa in dadaalkooda ay halkaasi ka sii wadaan,iyagoo mar kastaba og in dowladda ay garab ku siin doonto howlahooda”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.



