Wararka
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Booqasho Rasmi ah ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha

SONNA- Beijing- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha ku jooga safar shaqo oo rasmi ah iyo ka qayb-galka Madasha 7-aad ee arrimaha Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha iyo Qaaradda Africa, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Amb. Marwo Hodan Cismaan Cabdi iyo diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda.
Danjire Hodan Cismaan, ayaa Wasiirka Warfaafinta XFS uga warbixisay howlaha Qaran ee ka socda Safaaradda iyo dedaallada ay muddadii lasoo dhaafay ku bixisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin sidii ay mar walba muuqaal wanaagsan uga bixin lahaayeen dalkeena Soomaaliya.
Wasiir Cabdifataax Qaasim, ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay goor-walba bixiyaan Danjire Hodon iyo Diplomaasiyiinta kale ee Safaaradda, kuwaas oo Qarankooda ugu adeega si daacadnimo ah iyagoo si hufan dalkeena ugu metela fagaarayaasha caalamka iyo kuwa dalka Shiinaha.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Danjire Hodan Cismaan Cabdi iyo Diplomaasiyiinta kale ee Safaaradda uga mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha leh ee ay xarunta Safaaradda ugu sameeyeen Wasiirka iyo xubnaha wafdigiisa.



