Gudaha
Wasiirka Qoyska XFS oo kormeer shaqo ku tagtay xafiiska sare ee QM u qaabilsan xuquuqul Insaanka

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Xafiiska Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (OHCHR) ee dhowaan laga furay magaalada Muqdisho.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd xaqiijinta dhaqan-gelinta Qorshaha Kala-guurka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo hubinta in hawlaha loo qorsheeyey loo fulinayo sidii loogu talagalay.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka iyo khubarrada Wasaaradda ayaa hawlwadeennada OHCHR-ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan halka uu marayo fulinta qorshaha kala-guurka, hannaanka shaqo ee xafiiska iyo maareynta hawlaha mudnaanta u leh horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka dalka.
Wasiirku Khadiijo waxay adkeysay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha hortabinta leh iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac si loo xaqiijiyo natiijooyin wax-ku-ool ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii xafiiska OHCHR dib uga hawl gali lahaa dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Furitaanka xafiiskan ayaa ka tarjumaya horumarka ay Soomaaliya ka sameeysay arrimaha Xuquuqda aadanaha, iyadoo laga gudbay xafiisyadii gaarka ahaa ee qaramada midoobey dibna wadanka looga hawlgeliyay hay’adii u qaabilsaneyd arrimaha Xuquuqul insaanka qaramada midoobey, taasoo qeyb ka ah ilaalinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS waxay mar kale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay dardargelinta Qorshaha Kala-guurka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, hirgelinta mudnaanta qaran iyo xoojinta hay’adaha dalka u qaabilsan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha. Wasaaraddu waxay sidoo kale adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lala yeesho OHCHR iyo bahwadaagta kale si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda u hoggaamiso dadaallada lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka dalka.






